Yaa lagula xisaabtamayaa dhiibista Qalbi Dhagax kadib warbixintii BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii ka tirsanaa BFS ee loo xilsaaray baaritaanka Kiiska Qalbi Dhagax, ayaa diyaariyey warbixin ilaa iyo xad ku filnaankarta kiiska Qalbi Dhagax.

Guddiga ayaa warbixintooda ku wiiqay macluumaad aan fadhin oo laga diyaariyay Qalbi Dhagax, taa oo muujineysay in la dafiraayay macluumaadka dhabta ah, si qodob xalaala looga dhigo dhiibista Sarkaalkan lagu magacaabo Qalbi Dhagax.

Guddiga ayaa warbixintiisa ku adkeeyay inay khaldaneyd hanaankii loo maray dhiibista Qalbi Dhagax, oo sharci darro lagu tilmaamay.

Haddaba Guddigaasi waxa ay sheegeen in Kiiskaasi ay maareysay Hay’adda Nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, islamarkaana aan xog badan la siin Madaxda dowladda.

Is weydiintu waxa ay iminka tahay cida loo raacan doono mas’uuliyadda dhiibidda Qalbi Dhagax maadaama Madaxdii ugu sareysay dalka laga qariyay macluumaadka saxda ah?.

Madaxda Dowlada Somalia ayaa mid waliba iska fogeeyay kiiska Qalbi Dhagax, waxa ayna tani muujineysaa in la doonaayo in lalumiyo kiiska.

Sidoo kale, Taliyihii hore ee Hay’ada sirdoonka Somalia Sanbaloolshe ayaa qudhiisa kiiskaasi u heyn maareyn, inkastoo uu isaga kusoo biya shubtay.

Dhinaca kale, talaabada noocaani ah ayaa noqoneysa mid fashil ku ah dowlada maadaama Madaxda ugu sareysa dalka qudhooda laga qariyay hanaanka loo maray dhiibista Qalbi Dhagax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com