Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Turkiga.
Farmaajo ayaa magaalada Istanbul kula kulmay qaar kamid ah qurbajoogta Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka mid taageerayaasha la dhacsan siyaasadda madaxweynihii hore ee dalka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah bilaabashada ololaha Farmaajo ee doorashada 2026, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno si dhow ula socda dhaq-dhaqaaqa cusub ee uu haatan ka bilaabay dalka dibaddiisa.
Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in uu toddobaadyada soo aadan uu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Tan iyo markii uu xilka wareejiyay Madaxweyne hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bishii May 2022 waxaa uu ahaa dibad joog, iyadoo fariisin u aheyd magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Sida muuqata, Farmaajo ayaa haatan raba inuu beddelo siyaasaddii dibad-joognimada, uuna si toos ah ololihiisa doorashada uga bilaabi doono magaalada Muqdisho, kadib marka uu soo afmeero kulamada Istanbul.
Si kastaba, Farmaajo ayaa ka mid ah madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee weli sida wayn u diidan qorshaha Villa Somalia ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ka taagan tahay xiisad xooggan.




