Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi ayaa sharaxaad qoto dheer ka bixiyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan heshiisyadii ugu dambeeyay ee ay gaareen labada dal.
Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka faa’iidday heshiisyada Turkiga, isagoo si gaar ah u xusay heshiiska difaaca, kaasi oo Ankara ay taageero dhinaca amniga ah oo ballaaran ku siiso Soomaaliya.
Ankara ayaa ciidanka Soomaaliya siisa taageero isugu jirta saanad ciidan iyo tababaro lagu tayeynayo ciidanka, iyadoo sidoo kale taageero weyn ka geysata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida uu Fiqi ku sheegay wareysi dhinacyo badan taabanayay oo uu siiyay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.
Wasiirka ayaa si cad u sheegay in Turkiga uu kaalin muuqata ka qaadanayo tababarka ciidanka gaarka ah ee ku sugan saldhigga TÜRKSOM, iyagoo lagu qalabeyn doono diyaarado casri ah iyo weliba gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.
“Turkiga waa garab weyn, iyadoo la raacayo heshiiska is-afgarad, ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya waxay tababar heer sare ah ka helayaan Turkiga, waxaana lagu tababarayaa saldhigga milatari ee TÜRKSOM,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale wareysigan uga hadlay isbeddelka amniga Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda dalka, isagoo xaqiijiyay in amniga Muqdisho uu haatan si weyn uga duwan yahay sidii uu ahaa sanadkii 2011-kii, oo waqtigaas Madaxweynaha Turkiga, Erdoğan uu booqasho ku yimid.
Wareysigan ayaa muujinaya qoto dheerida xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo haatan maraya heer sare, iyadoo Muqdisho iyo Ankara ay gaareen heshiisyo iskaashi oo waaweyn, kuwaas oo ka mid yihiin heshiiska difaaca iyo kan shidaal baarista dalka.

