Sawirro: Fartaag oo kulankii ugu horreeyay la yeeshay wasiirrada heer goboleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta kulan la qaatay wasiirrada amniga dowlad-goboleedyada dalka oo Muqdisho u jooga xoojinta wada-shaqeynta laamaha amniga.

Wasiirrada ayaa xoogga saaray sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu sugayo amniga dalka iyo dardar-gelinta la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka.

Masuuliyiintan ayaa sidoo kale diirada saaray tayeynta booliska iyo xoojinta wada-shaqeynta ku aaddan ka hortagga iyo kadaba tagga falalka dambiyada.

Wasiir Fartaag ayaa xusay muhiimadda ay amniga dalka u leedahay mideynta shaqada laamaha amniga iyo isku xirnaanta booliska, ayada oo shirkaan uu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay dalka ka socdaan howl-gallo ka dhan ah argagixisada.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu bogaadiyey sida ay uga go’an tahay wasiirrada amniga ee heer dowlad-goboleed in la sii amba-qaado qorsheyaasha lagu xoojinayo Booliska Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada amniga dowlad-goboleedyada Jubbaland, HirShbelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed. Waxaana ka maqneyd Puntland oo ayadu xiriirka u jartay dowladda federaalka, kalana laabatay kalsoonidii wada-shaqeyneyd.

Fartaag ayaa 7-dii bishaan loo magacaabay wasiirka amniga gudaha kadib billooyin uu xilkaasi banaana, ayada oo magacaabistiisu kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo dalka uu ku jiro dagaal ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.