Sawirro: Aadan Madoobe oo u baxay safar dibadeed

Muqdisho (Caasimada) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isaga oo kusii jeeda gudaha dalka Turkiga.

Ujeedka safarka Sheekh Aadan Madoobe ayaa la xiriira ka qayb-galka shirweyne caalami ah oo soconaya mudo seddex maalmood ah, kaas oo ka dhacaya dalkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin xildhibaano ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Turkiga waxa ay uga qayb-geli doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Baarlamaanada waddamada Islaamka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Sheekh Aadan Madoobe.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa khudbad ka jeedin doono shirka, taas oo uu ugu hadli doono horumarrada ka jira dalkeenna iyo tallaabooyinka uu qaaday Baarlamaanka Soomaaliyeed oo ka kooban laba Aqal.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doonaa madaxda baarlamaanka ee dalkaasi, si uu ugala hadlo arrimo quseeya xaaladda dalka.

Turkiga oo martigelinayo shirkan ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna taageero xoogan siiyaa hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu ka qayb qaataa dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka iyo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadii ugu dambeysay ee uu Turkiga qaaday waxa ay ahayd difaaca badda, isaga oo markab dagaal usoo diray xeebaha Soomaaliya, kaas oo shalay soo gaaray dekedda wayn ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo aaday, kadib heshiiskii badda ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda dhexe, oo soo saartay go’aanno culus oo ka dhan ah xukuumadda Addis Ababa.⁸