Sawirro: Xamza oo kulan ugu yeeray saraakiishii Muqdisho keentay markabka dagaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga.

Markabkaas ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ku soo xirtay dekedda, waxaana dushiisa lagu qabtay munaasabadda lagu kala saxiixday dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Markabka Difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa iskaashiga iyo walaalnimada Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka cashada ayaa waxaa ku wehelinayey Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Ujeedku wuxuu ahaa in caawa kulankaas shaqada ah lagu casuumo saraakiisha Turkiga ee Markabkaas saaraa, kuwaas oo ku yimid safar dhanka badda ah, maadaama ay la socdeen markab dagaal oo hordhac u ah qorshaha Turkigu uu ku soo degayo xeebaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa galabta kaga qeyb-galay dusha markabkaas dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed” ayuu yiri Xasan Sheekh.