Sawirro: GALMUDUG oo la wareegtay hub iyo gaadiid

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xilli madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ay socdaal ku marayaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay la wareegeen hub, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka Balanbale.

Wasaaradda amniga ayaa lagu wareejiyey maleeshiyaadkaasi iyo hubkooda, si loogu daro ciidamada Booliska iyo kuwa Daraawiishta ee maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa hubkaasi wareejiyey waxgaradka deegaanka, iyaga oo shaaciyey inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan wasaaradda amniga Galmudug.

Munaasabadda lagu wareejiyey hubka waxaa sidoo kale ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka Galmdug Cali Ciid, Wwsiirka Amniga iyo mas’uuliyiin kale.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii la soo dhaafay wasiir Axmed Macalin Fiqi uu dadaallo xoogan ka waday halkaasi, isaga oo horey ula wareegay maleeshiyaad iyo hubkooda oo ku sugnaa deegaano ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Si kastaba ha’ahaatee tallaabadan ayaa soo afjari karta dagaal beeleedyada ku soo laa-laabtay deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.