Xog: QORSHE ka dhan ah xildhibaannada gobollada galbeedka ee labada aqal ee BF oo ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii u dambeeyay waxa magaalada Muqdisho ka socday abaabul xoogan oo ka dhan ah xildhibaanada gobolada galbeedka ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xildhibaanadaasi oo tiradoodu dhantahay 11, ayaa waxa si weyn looga hor-yimid inay markale dib ugu soo laabtan boosaska labada aqal ee ay ugu matalayaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Abaabulkan oo ay qeyb ka yihiin wax-garadka iyo aqoon-yahanka kasoo jeeda gobolada galbeedka ee Gabiley, Awdal iyo Selel ayaa waxa ay ka biyo diidan yihiin waxqabad la’aan ay ku qoonsadeen xildhibaanadaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa dagaal weyn oo ka dhan ah abaabulkaasi isbedal doonka ah ka galay 11-kaasi xildhibaan, oo ay kamid yihiin Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Beyle, wasiir kuxigeenka waxbarashada, Faysal Cumar Guuleed, iyo Senator Ayuub Ismaaciil oo ku dhow Villa Somalia

Beyle iyo Faysal ayaa si cad isku hortaagay kulamo iyo shirar looga arrinsanayey aayaha beelaha dega gobolada galbeedka ee ku sugan magaalada Muqdisho, taasi oo looga tashanayey sidii siyaasiyiin cusub loogu soo xuli lahaa xilalkaasi iyo weliba sidii dowladda federaalka looga heli lahaa mashaariicda horumarineed iyo waxbarasho ee goboladaasi.

11-ka xildhibaan ayaa wajahaya halis ku aadan inaysan dib usoo noqon, xili ay xildhibaanada labada aqal ku howlan-yihiin inay markale dib u matalaan beelihii ay kasoo jeedan.

Waxaa dhawaan la filayaa in shirweyne looga soo horjeedo dib isku soo sharaxida xildhibanadaasi, isla markaana lagu rabo isbedel cusub uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho, iyada oo ay jiraan cadaadisyo kala duwan, sida ay noo xaqiijiyeen xubno hormuud u ah abaabulada looga soo horjeedo Xildhibaanada gobolada galbeedka.

Inta badan xildhibaanada gobolada waqooyiga oo qeyb ka yihiin xildhibaanadani ee ku matala dowladda federaalka ayaa tagi karin deegaanada Somaliland, midaasi oo suurto-gal ka dhigeysa in gudaha Muqdisho ee abaabulkani ka socdo lagu doorto xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland.