25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Sawirro: Golaha Aqalka Sare oo meel-mariyay 4 sharci oo muhiim ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaa=ha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa cod gacan taag ah ku meel-mariyey afar sharci oo muhiim ah.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa shir-gudoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), waxaana goobjoog ahaa inta badan xubnaha golaha oo uu ku jiro Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo maanta xaadiray fadhiga ay yeesheen Senatorada Golaha Aqalka Sare.

Dhammaa shuruucda la meel-mariyay ayaa muhiim u ah hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, waxaana soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Shuruucdaan ay maanta ansixiyeen xubnaha Aqalka Sare ayaa kala ah,

𝟏. 𝐇𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.

𝟐. 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐧𝐬𝐡𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚.

𝟑. 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐲𝐦𝐢𝐬𝐤𝐚.

𝟒. 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱-𝐤𝐚-𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚.

Intaas kadib waxaa Golaha la hadlay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaha Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo kulanka goobjoog ahaa, isaga oo uga mahad-celiyay meel-marinta shuruucda ay u gudbisay wasaaraddu.

Sidoo kale wuxuu ka mahad-naqay sida wanaagsan ee ay turxaan bixinta iyo toosinta ugu sameeyeen sharciyada Maaliyadeed ee la horgeeyay, iyada oo dhammaan shuruucdani ay hore u soo meel mariyeen Xildhibaanna Golaha Shacabka Soomaaliya.

Doodda sharciyadan ayaa soo socotay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana Senataradu soo jeediyeen aragtiyo kala duwan, kadibna maanta waa ay meel-mariyeen.

- Advertisement -

Read more

Local News