Sawirro: Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed oo ku baaqay in dalka lagu maxakamdeeyo Amisom

Ka dib shir jaraaid oo ay Muqdisho Qabteen Masuulyiin ka tirsasn Golaha Xisbiyada Somaliyeed ayey Canbaareyn Dusha uga tureen Falkii ciidamada AMISOM ka geysteen Gobolada Dalka qaarkood sida Bay iyo Bakool iyo falkii ugu danbeeyey ee ay ka geysteen Magaalada Marka Ee Gobolka Sh/hoose

Xoog haayaha Guud ee Golaha Xisbiyada Somaliyeed Zakariye Xaaji Cabdi ayaa faahin ka Bixiyey Ujeedka Kulanka iyo Fikirkooda ku aadan Falkii Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ku laayeen ku dhawaad 20 qof oo la sheeegay in ay ahaayeen Dad Shacab ah.

Sidoo kale Kulanka ka dib ayey warsaxaafadeed dhowr Qodob ka Kooban ka soo saareen waxaana Saxaafada u aqriyey Cabdulaahi Sheekh Daahir .

Hadaba waxaa inoo suurta gashay in aan helno Nuqul ka mid ah warsaxaafadeedkii oo sidaan u qoraa

War Saxafadeed
Maalintii shalay ahayd ee ku taariikhaysnayd 21/07/2015 magaalada madaxda gobolka Shabeelada Hoose, Marka, waxaa ka dhacay xasuuq fool xun oo loo geystay dad muwaadiniin Soomaaliyeed oo rayid ah isuguna jira: caruur, dumar, duqow, macalimiin dugsi  iyo arday. Xasuuqaas dadka shacbiga waxaa u geystay ciidamada Afrikaanka ee AMISOM. Waxay weerareen ciidamada Afrikaanka ahi dhalinyaro banooni cayaaraysa, dad guryahoodi jooga ayey ugu galeen oo madaxa ka toogteen, kuwa dugsi quraan wax ka baranaya iyo kuwo suuqa jooga. Waxay kufsadeen gabdho iyo murwooyin Soomaaliyeed oo guryahoodi jooga.

Tirada dadka dhintay ilaa hadda waa 24, dhaawacuna waa 22. Waxaan tacsi u diraynaa ehaladii dadkaas kibirka lagu laayey Alaha u naxariisto, kuwa dhaawacmana Alaha shaafiyo.

Ciidamada Afrikaanka oo isku sheega inay nabad ilaalin u joogaan Soomaaliya wax badan ayey shacbiga Soomaaliyeed dhib u geysteen isugu jira: dil gardaro ah, mararka qaarkoodna gaaraya heer xasuuq, kufusi gabdho Soomaaliyeed, qaar ay ku haystaa xeryaha ay deganyihiin oo caruur garacya ay ka dhaleen iyo anshax xumo badan oo kale .

Ciidamada AMISOM waxay isu qaateen dalka inay iyagu leeyihiin Soomaalida dalka iska lehina ay marti safar ah ay tahay. Waxay u qaateen in iyaga uun lagu tiirsan yahay oo haddaysan joogin bahalo na cuni lahaayeen. Waxay ula dhaqmaan madaxda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed sida ay doonaan oo ka hooseysa sidii gumaysiga reer yurub u dhaqmi jiray.

Waxay qaataan mushaharkii ciidamadayadu qaadan lahaayeen, waxay fidiyaan dhaqan xumo danbi ku ah dhaqanka iyo diinta islaamka ay dadka Soomaaliyeed haystaan. Waxay wadaan barnaamij lagu qab jebinayo dadka Soomaaliyeed gunnimada iyo addoonsiga la oglolaysiinayo.

Waxay u haystaan hadday Marka dad ku laayeen inaan Muqdishu looga danqanayn, guud ahaana Soomaalida aan waxba isugu jirin marba haddaysan isku qabiil ahayn inaysan isu hiilin.

Haddaba, waxaa la gaaray xilligii AMSOM shacbiga Soomaaliyeed la xisaabtami lahaa, ficiladoda guracanna lagala dabaakh tami lahaa. Xasuuqa shalay magaalada Marka ay ka geysteen la mid noqon mayo kuwii ka horeeyey ee faraha badanaa intooda bandanna Xamar iyo agagaarkeeda ay ka geysteen oo aan wax laga weyddiin.

Waxaa la xisaabtanka AMISOM ugu horeeya arimaha soo socda:
1.         In la soo qabto dambiila yaashii falkaa xun falay.
2.         In maxkamad dalka gudihiisa lagu saaro oo ciqaabta ay muteystaan la mariyo.
3.         In la bixiyo magtii dadka kibirka lagu laayey, kuwa dhaawaca ah iyo wixii hanti ah oo ay bur buriyeen.
4.         In dib dambe uusan u dhicin ficiladaas xun.
5.         In la  xadido muddada ay joogayaan dalkayaga ciidamada shisheeye.

Waxaan AMISOM ogeysiinaynaa dalkaan in ay leeyihiin dad Soomaali la yirahdo, hadday joojin waayaan gardarada dilka iyo ku tumushada xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed inaysan musharka dambe ku qaadan doonin nabad ilaalin iyo magaca Soomaali.

Ugu dambaystii, waxaan ugu baaqaynaa ummadda Soomaaliyeed inay ka guuraan qabyaaladda kaliftay gunnimada ay maanta ku noolyihiin iyo colaadda, is necaybka 25kii sano oo dawladda la’aanta ahayd lagu saxriiray. Waan in ay is jeclaadaan, midoobaan, dawladnimada adkeeyaan, kala qaybinta diidaan, dalkooda bad iyo biriba ay difaacaan si damaca shisheeye u baxo.

Dhammaad

afarkowlabolixsedexshansideed todobo