“Waxa aan la dagaalanay dowladda ma ahan ee waa maleeshiyaad dowladda ka hoos shaqeeya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ahlusunna Wal-jameeca, ayaa shaaca ka qaaday in wax dagaal ah uusan kala dhexeyn DF Somalia.

Sheekh Maxamed Shaakir, ayaa sheegay in Ahlusunna ay wadato howlihii waajibka ku ahaa, waxa uuna beeniyay wararka leysla dhexmaraayo ee ah in DF Somalia ay kala dhexeyso Khilaaf.

Waxa uu sheegay in ay jiraan dagaallo dhex maray Dad uu ku sheegay kuwa ay jid gooyo u taallo Gobollada dhexe oo sheegta magaca Dowlada balse taasi aysan ka turjumeynin dagaal iyo khilaaf kala dhexeeya Dowlada.

Waxa uu tilmaamay in Ahlusunna ay la dagaalsan tahay kaliya kuwa isbaarooyinka iyo dhibaateynta ku hayo shacabka ku hoos nool Deegaanada Ahlusunna, waxa uuna tibaaxay in Ciidamada Ahlusunna ay gudaha asbuucaani iska caabin kala kulmeen Ciidamo sheegta inay ka tirsan yihiin DF Somalia.

Sh. Max’ed ayaa sheegay in Dowladda Somalia iyo Maamulkoodu uu wadahadal u socday ka hor inta aysan dhisin maamulka Gobollada dhexe, waxaana uu intaasi ku daray in Dowladda ay kaga baxday ballantii iyagana ay dhisteen maamul Goboleed.

Dhanka akle, waxa uu sheegay in Puntland ay kala dhaxeyso Xuduud sida Maamullada kale ee Koofur Galbeed iyo ismaamulka Soomaalida Ethiopia, waxaana uu ugu baaqay in aysan jirin dhib kaga imaanaya Maamulladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com