Caleemo saarka Guuleed oo caalamka uusan u kala hareyn iyo qorshihii Puntland oo fashilmay

Cadaado (Caasimada Online) – Sida Qorshaha yahay Khamiista Beri ah ayaa la filayaa in xaflada Caleemo saarka madaxweynaha Galmudug ka dhacdo magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo masuuliyiin dhowr ah ay gaarayeen labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Xaflada Caleemo saarka ayaa sida xildhibaano baarlamaanka ka tirsan inoo xaqiijiyeen waxaa lagu casuumay xubno ka tirsan dowlada Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya.

Madaxda sare ee dowladda Federaalka, wasiiro iyo xildhibaano iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa ku sii jeeda Cadaado, waxaa kaloo tegi doono xubno ka socda beesha caalamka iyo madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Taageerada weyn ee loo muujinayo caleemo saarka Guuleed ayaa dhabar jab weyn ku ah maamulka Puntland oo dadaal iyo dhaqaale badan ku bixiyey sidii loo fashilin lahaa Galmudug.

Xildhibaan Mahad Cali Cibar ayaa sheegay in kumanaan dadweyne oo ka qeyb galaya xaflada ay sidoo kale ka yimaadeen gobolada kala duwan ee dalka ayna buux dhaafiyeen magaalada Cadaado.

Wuxuu sidoo kale sheegay xildhibaanka in aad loo adkeeyay amaanka magaalada Cadaado oo masuuliyiin dhowr ah tagayaan, waxaana maamul goboleedyada Jubbaland iyo koofur galbeed laga filayaa iney wakiilo u dirsadaan.

Laakiin waxa shaki weyn la geliyay in maamulka Puntland ka qeyb gali doonaan xaflada caleemo saarka madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, maadaama khilaaf dhanka xuduuda  ka dhex taagan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com