Sawirro: Gudaha suuqa ay GABDHUHU ku iibsadaan ragga ay guursanayaan

Mumbai (Caasimada Online) – Muddo 700 oo sannadood, gobalka Bihar ee dalka Hindiya waxaa ka jira Suuq haweenku kasoo iibsadaan Ragga ay doonayaan inay guursadaan. Waa sida adiga oo dukaan aaday kadibna kasoo iibsaday wixii aad u baahneyd.

Gabdhaha guurdoonka ah waxaa socdaalka dukaameysiga ah ku wehliya qoysaskooda. Sidaas darteed, sannad kasta kumaankun ina rageed ah ayaa ku kulma geedaha Pipal hoostooda ee suuqa degmada Madhubani – iyaga oo sugaya in la iibsado ama gabar ay qaadato.

Waxaa la yiraahdaa Saurath Mela ama Sabhagachhi waxaana suuqeysiga ama dukaamaysiga loogu jiro iibsiga ragga uu socdaa 9 maalmood waana dhaqan iyo caado uu bilaabay suldaan Raja Hari Singh oo hoggaaminayay boqortooyadii Karnat muddo hadda laga joogo 7 qarni kahor.

Ujeeddada uu u bilaabay suuqa ayaa lagu sheegay si gabdhaha loogu fududeeyo inay kala doortaan kadibna xushaan qofka ku habboon ragga tuban suuqa si ay xaaskiisa u noqoto. Ragguna waa kuwa ka kala yimaada meelo kala fogfog. Nin wax walba qiimihiisu waa inta uu aqoon leeyahay heer jaamaceed ahaan iyo inta xooggiisa jireed iyo dadnimadiisu dhan tahay. Waxaa kale oo xusid mudan inay tixgeliyaan gabdhuhu in ninkaasu kasoo jeedo qoys sumcad leh.

Raggu waxay horay usoo qaataan dhammaan aqoonsiyadooda wax-barashada sida shahaadooyinka, dhalashada iyo marqaatiyada kale ee muujinaya wanaagooda. Kadibna marka gabadhu ku qanacdo, waxaa loo gudbaa qiimaha iyo gorgortanka. Markaas kaddib haddii la isku fahmo iibka, ninka ayaa si kastaba dabagala afadiisa si uu seygeeda u noqdo.

Laakiin aalaaba go’aanka kama dambeysta ah waxaa gabadha u gaar qoyskeeda – iyaga oo isku barbardhigaya tayadiisa aqooneed iyo dabeecadiisa.

Waxaana sannad kasta fogaan dheer uga yimaada rag iskaabulo ama doobab aan weli guursan ah kuwaas oo quudareynaya inay kusoo baxaan xulashada koowaad ee gabdhaha ragga iibsanaya.

Hindiya waxay sidoo kale leedahay suuq gabdhaha guurdoonka ah laga iibsado kaas oo gashaantida lagu xusho quruxdeeda, nadaafadeeda iyo dabeecadeeda waxaana la yiraahdaa Haudati.
W/Q: Zakariye Hiraale