25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawirro: Gudiga doorashada FEIT oo billaabay bixinta shahaadada xildhibaanimo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onine) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ee FEIT ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay bixinta shahaadada xildhibaanimo ee xubnaha cusub Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanadii ugu horreeyey ayaa qaatay shahaada, iyaga oo tegay xaruntii loogu yeeray guddiga FEIT ee ku dhex-taalla garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaanada qaatay shahaadada waxaa ka mid ah:- Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caana-nuug), Xildhibaan Mustafa Sheikh Cali Dhuxuloow, Xildhibaan Mohamed Nur Abubakar- Shariif Mustafa, Xildhibaan Mohamed Omar Aimoy, Senator Abdi Ahmed Dhuhulow (Dhagdheer), Xildhibaan Yusuf Gelle Ugaas, Xildhibaan Mohamed Abdi Hayir-Maareeye iyo ildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi.

Xildhibaanada qaatay waxaa ku jira qaar laga soo doortay HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed oo maamulladooda ay sheegeen inaanay guddiga u gudbin doonin liiska xildhibaano ee ay ku wareejin doonaan xoghayayaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa ugu baaqay xildhibaanad ka maqan Muqdisho in ay si deg deg ah kusoo gaaraan caasimada, si loo siiyo shihaadada xildhibaanimo.

Xildhibaanada ugu badan ee ku sugan Muqdisho ayaa ah kuwa Gobollada Waqooyi, Beelaha Banaadiriga iyo xildhibaanada qaar ee lagu soo doortay Galmudug.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli uu muran ka dhex-taagan yahay guddiga doorashada, kaas oo la xiriira shaacinta xildhibaanada rasmiga ah ee lasoo doortay.

Dooda ayaa sii xoogeystay markii guddoomiyaha guddiga guddiga FEIT uu liiska la shaaciyey ka reebay kuraas uu ku jiro kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse khilaafkan ayaa kusoo beegmaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay weli caqabad ka taagan tahay dhammeystirka doorashada dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News