31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Sawirro: Hantida iyo ganacsiga uu Xasan Sheekh walaakiis ka abuurtay hantida qaranka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaris mudo socotay oo ay sameysay shabakadda Caasimada Online ayaa lagu ogaaday in shirkadda Doogle ee shidaalka oo xarumo fara badan ku leh isgoysyada Muqdisho inuu leeyahay ninka la dhashay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  oo lagu magacaabo Cali Sheekh.

Shirkaddan oo qaab casri ah u shaqeysa ayaa ajabyo waaweyn waxay ka sameysatay qaar ka mid ah isgoysyada ugu waa weyn uguna muhiimsan magaalada Muqdisho iyo goobo kale.

Shirkadda Doogle ayaa waxay dhismooyin isugu jira ajab shidaal, baarar iyo dukaamo yaryar oo is wada ay ka sameysay isgoysyada Muqdisho, waana shirkadda ugu xooggan ee maanta ka jirta Muqdisho.

Muuqaalo aan kasoo qaadnay mudadii ay baarida socotay ayaa muujinaayo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ka jira goobaha ay ka howlgasho shirkaddan, oo lacag badan usoo saarta Cali Sheekh.

Cali Sheekh Maxamuud oo la dhashay Madaxweyne Xasan, ayaa dhaqdhaqaaqa xooggan ku leh magaalada Muqdisho, isagoo ka beec mushtaray dowladda uu madaxweynaha ka yahay walaalkiisa, kana sameeyay malaayiin dollar.

Cali Sheekh ayaa ka hor inta walaalkiis uusan madaxweyne noqon waxa uu lahaa dukaan yar oo qalabka electronic lagu iibiyo, hase yeeshee afartii sano ee walaalkiisa uu dalka hogaaminayey waxa uu isku beddelay milyaneer.

Waxa uu sidoo kale lee yahay dhowr dabaq oo kiro ay ugu jiraan hay’ado shisheeye.

Dhammaan ganacsiyadan ayaa waxaa laga dhisay hantida qaranka, xilli shacab badan ay gaajo iyo abaar ugu dhimanayaan gobollada dalka.

Ma ahan Cali Sheekh oo kaliya dadka ka taajiray hantida qaranka. Caasimada Online waxay horay usoo gudbinay baaritaano aan sameynay oo muujinaayo hantida qoyska madaxweynaha, gaar ahaan xaasaskiisa ay ku leeyihiin Muqdisho. Halkan ka aqri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News