Minneapolis (Caasimada Online) – Hay’ada hay’ada HiddoSoor ayaa sanadkasta qabato maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomalida degan magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul iyo nawaaxigeeda (Twin Cities area) gaar ahaan Plymouth, Minnesota.
Maallinti Sabtida June 22 ayaa noqotay maalin lagu asteeyay Maalinta Dhaqanka Soomaalida 2024. Munasabadan ayaa sanadkasta ka dhacdo Xarunta Hilde Performance Center ee ku taalla magaaladda Plymouth ee gobolka Minnesota, ayadoo Soomalida degan Plymouth, Minnesota iyo maagoolinka ku dhaw dhaw ay soo bandhigeen Hiddahooda iyo Hibooyinkooda iyo Ganacsigooda, ayadoo ay kasoo qayb galaan Soomaali aad u badan iyo dadyowga kale ee degan Minnesota.
Waxaa sidoo kale munaasadaan ka soo ka qayb galay mas’uuliyiin ka kala socday Dowlada federaalka iyo Gobolka Minnesota, sida Xilibaan Ciid, Xilibaan Qaasim iyo Senator Abdixakin Halka Halka Minnesota ay kala ahaayeen Xilibaan Samakaab, Xilibaanad Ginny iyo Senator Omar Fatah iyo madax kale oo ka kala socotay hay’adaha ka howl gala gobolka Minnesota.
HiddoSoor ayaa markasto u taagan sidii uu Hiddaha iyo Dhaqankeena u noqon lahaa mid jiilka cusub ay bartaan, isla markaana dhaqanka Soomalida uu noqdo mid taariiq ku leh aduunyada. Ugu danbayn, Maxamed Ciise oo ah agaasimaha hay’ada Hiddosoor ayaa sheegay “Maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Minnesota ay noqon doonto mid State ka oo dhan loogu dabaal dego.”