Sawirro: Howlgalka Al-Shabaab oo ku fiday Sh/Hoose – Maxaa dhacay maanta?

Marka (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab kusii fidinaya gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii kooxda laga qabsaday dhammaan degmooyinka gobolka deriska la ah ee Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka ayaa maanta fuliyey howlgallo qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka gaarka ah ee NISA iyo booliska Haramcad, kaas oo lagu sifaynayay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho ilaa Marka. 

Sida lagu sheegay qoraalka ay baahisay warbaahinta dowladda, howlgallada ayey ciidamadu ku burburiyeen xarumo qarsoodi ahaa oo khawaarijtu ay ku lahaayeen deegaannada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo deegaano hoos taga Number 60, kuwaasi oo u ahaa maxkamad beenaadyo iyo xarumo ay dadka ku baadaan marka ay ugu yeertaan. 

“Intii howlgalka uu socday sidoo kale ciidamadu waxay xireen wadooyin Khawaarijtu ay u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha qarxa ay ku xiraan si ay ugu dhibaateeyaan shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dadka amniga fallanqeeya ayaa rumesan in haddii Al-Shabaab laga sifeeyo gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ay wax weyn ka qaban karto amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. 

Inta badan qaraxyada ka dhaca Muqdisho ayaa lagu soo diyaariyaa gobolka Shabeellaha Hoose. Waxaa sidoo kale gobolkan ku yaalla maxkamadaha kooxda Al-Shabaab ay ugu yeerto shacabka Muqdisho ee diida lacagta canshuurta baadda ah ee laga qaado iyo amarrada kale ee kooxda. 

Haddii gobolkan laga wada saaro kooxda, islamarkaana la xaqiijiyo amniga Muqdisho, waxaa billaaban doonta inay diidaan canshuurta, taasi oo dhaqaale ahaan kooxda wiiqi doonta, ugu dambeynna keeni doonta in laga adkaado.