Galmudug oo ka warbixiysay xarigga odayaashii lasoo heshiiyey Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Aadam Gaboobe ayaa faahfaahin ka bixiyay odaayaal maanta lagu xiray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka ayaa sheegay in odayaasha ay maxkamadey doonaan, “Waxay doonayeen inay dadkeenna niyad jebiyaan, taasna deegaankaan kama shaqeyneyso,” ayuu yiri wasiir Gaboose.

Sidoo kale Wasiir ayaa u goodiyey dhamaan dadkii kale ee odayaashaan garabsiiyey, sida weriyaashii wareystay iyo ragii dhanka gaadiidka ka taageeray.

“Odayaashaan wax dhib ah kalama aysan kulmeyn Al-Shabaab oo deegaano nabad ah ayey joogeen, ayaga ayaana aaday Al-Shabaab, markii ay baxeen waxaan cadeynay in sharciga aan marsii doono, hadda markii ay soo laabteena ayagaaba warbaahinta la hadlay, waana soo qabanay,” ayuu yiri.

Wasiirka oo wareysigaan siiyey idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa la weydiiyey sida uu howlgallada ka socda Galmudug u saameyn doono heshiiska ay odayaashaan lasoo galeen Al-Shabaab.

Wuxuuna ku jawaabay, “Oday aan cidina dirsan Galmudug ma metelo, waa marin habaabin wixii aad aragteen ee heshiis lama dhihi karo, cid kasta oo marin habaabintaas ka qeyb qaadatana waxaan hor gey doonaa sharciga.”

Dhanka howlagallada wuxuu sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan guluf dagaal oo xoog leh, kadib markii Al-Shabaab looga soo adkaaday HirShabeelle.

“Galmudug, maalmo kooban ayaa lagu soo afjarayaa Shabaab-ka jooga, mar hadii laga soo go’doomiyey dhanka HirShabeelle oo laga soo wada xoreeyey, maalmaha soo socda ayaan duulaan culus ku qaadi doonaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug.

Hoos ka dhageyso wareysiga