SAWIRRO: Jaamacadda Upsala oo shir cilmi baaris ah ka qabatay Soomaaliya

Upsala (Caasimada Online) – Mac-hadka Daraasaadka Waqooyi Bari Afrika ee Jaamacadda Uppsala ee dalka Sweden ayaa qabanqaabiyey shir cilmibaaris ah oo looga hadlay wadammada Soomaaliya, Eritrea, Uganda, South Sudan iyo Ethiopia. Shirka ayaa ku saabsanaa in cilmi ahaan loo lafaguro dhaqdhaqaaqyadii xorriyaddoonka ee wadammadaas. Waxaa kulankaas ka soo qayb galay aqoonyahannada daraaseysa wadammadaas.

Shirka ayaa socday muddo laba maalmood ah (Isniin iyo Talaado), wuxuuna u qaybsanaa lix session. Kan koowaad oo guud ahaan lagu lafaguray guud ahaan Geeska Afrika ayaa waxaa shir guddoomiyey Redie Bereketeab. Kan labaad wuxuu ku saabsanaa Itoobiya, waxaana shir guddoomiyey John Markakis. Waxaa ku xigay kan saddexaad oo ku saabsanaa Soomaaliya oo uu shir guddoomiyey Opira Otto.

Kan afraad oo isaguna ku saabsanaa Uganda ayaa waxaa guddoomiyaye Mekuria Bulcha. Kan shanaad oo ku saabsanaa South Sudan ayaa waxaa isna guddoomiyey Mohamed Salih oo ah aqoonyahan weyn oo u dhashay Suudaan. Kulanka ugu dambeeya ee lixaad wuxuu ku saabsanaa Eritrea, waxaana shir guddoomiyey Maxamed Xaaji Ingiriis.

Shirka ayaa waxaa soo qabanqaabiyey xiray Professor Bereketeab, waxaana soo xiray Professor Salih.

UPSALA (1)UPSALA (2)UPSALA (3)UPSALA (4)UPSALA (5)UPSALA (6)

 

Caasimadda
Uppsala, Sweden