Sawirro: Jubaland oo tababar u xirtay ciidan nooc cusub ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa duleedka Kismaayo tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ciidankaan tababarka loogu soo xiray waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Dhuumaal, Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee danab Gaashaanle Carab Dheeg Axmed iyo saraakiishii tababarka bixinaysay.

Tababarkaan oo socaday muddo labo bilood ah waxaa bixinayey saraakiil ka tirsan ATMIS, waxaana askartaan la baray caafimaadka oo laf-dhabar u ah nolosha aadanaha, kaalin weyna ku leh marxaladaha dagaalka ee dowladdu kula jirto Al-Shabaab.

Tani waxay ka mid tahay caawinaada ay ciidamada xoogga Soomaaliya ka helaan howlaglka ATMIS oo waqtigiisu gabaabsi yahay hadda, isla markaana baneeyey saldhigyadii ugu horeeyey.

Ugu yaraan lix saldhig ayey ATMIS ku wareejisay ciidamada xoogga dalka, bishii hadda dhamaatay, kuwaas oo ku kala yaalla gobollada Shabeellooyinka iyo Gedo.

Dabayaaqada sanadka soo socda ayaa lagu wadaa in askariga ugu dambeeya ee ATMIS uu Soomaaliya ka baxo, sida ay qorsheysay dowladda Soomaaliya oo halgan adag ugu jirta in mudadaas ka hor ay hanato guud ahaan amniga wadanka.

Kooxda Al-Shabaab oo hadda qeybo badan ka jooga dalka ayaa la doonayaa in sanadkaas lagu soo afjaro, si ATMIS ay ugu baxdo heshiiska ay ku joogaan wadanka oo cadeynaya waqtiga ay baxayaan.

Ciidamada ATMIS waxay wadankaan joogaan in ka badan 15 sano, waxayna mudadaas dagaallada Al-Shabaab ku waayeen kumanaan askari, sidoo kale waxay ka weyb qaateen dhismaha ciidanka qaranka oo hadda heer wanaagsan soo gaaray.

Dowladda Soomaaliya oo curdun ah dagaal argagixisana ku furan yahay ayaa dadaal adag ugu jirta dhismaha ciidamada qaranka, waxaana hadda rajo badan laga qabaa in sanad gudihiis ay ciidanka Soomaaliya ku hantaan guud ahaan amniga Jamhuuriyadda.