Sawirro: Jubaland oo Gedo ka wada abaabul ciidan iyo qorshe ka socda xuduudda

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo maalmahan safar shaqo ku jooga degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa halkaas ka wada kulmo iyo wadatashi ku saabsan sidii loo xoojin lahaa amniga degmada Ceelwaaq oo ay la wareegyaan ciidanka dowlad-goboleedka Jubbaland.

Safarka shaqo ee Madaxweynaha ayaa daarnaa ka shaqeynta sida loola wareegi lahaa amniga degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay isaga baxayaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah ATMIS.

Waxaa dib u habeyn iyo qalabeyn lagu sameeyey ciidamada Jubaland ee ku sugan Ceelwaaq, sidoo kale waxaa la tayeeyey maamulka degmadaas, si bulshada deegaankaas ay uga taahadaan aayahooda, ugana maarmaan ciidamada ATMIS.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalmahan halkaas ka waday abaabulidda iyo wacyigelinta qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo iskaashi mideysan iyo midnimo dadka deegaankaasi ay gaaraan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan looga hadlayay xiriirka iyo xog wadaaga la yeeshay masuulyiinta sare ee dowlada Kenya u jooga aagga degmada Ceelwaaq.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa kula dardaarmay laamaha ammaanka, saraakiisha iyo masuulyiinta kale Soomaaliya iyo Kenya ee Ceelwaaq ku sugan in ay xoogga saaraan ka shaqeynta amniga xaduudaha iyo midnimada bulshada walaalaha ah.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa uga

mahadcelinay saraakiisha dowladda Kenya taageerada ay ka geysteen sidii loola dagaali lahaa kooxaha Khawaarijta ah, isagoo kula dardaarmay in iskaashiga xuduuda lasii labo jibaaro.

Jubbaland ayaa dib u abaabuleysa oo tayeyneysa ciidamada degmooyinka xuduuda xiga, si looga hortago weerarrada Al-Shabaab oo mararka qaar ka gudba xuduuda labada dal, taas oo sameyn xun ku yeelatay isku socodka bulshada labada dal.