Sawirro: Jubbaland oo soo bandhigtay odayaal loo haysto la-macaamilka Al-Shabaab

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybteeda Jubbaland ayaa maanta la horkeenay odayaal dhaqameed ku eedeysan la tacaamulka kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday maxkamadda inay u ogolaato 60 cisho oo xabsi xalaaleyn ah, si loo dhameystiro baaritaanka kiiska ay ku eedeysan yihiin odayaal dhaqameedkan, kasoo hor muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybteeda Jubbaland.

Maxkamadda ayaa ogolaatay in odayaasha eedeysaneyaasha ah sii xirnaadaan muddo 2 bilood ah, si xafiiska xeer ilaalinta u dhamaystiro baaritaankiisa, iyada oo xilligaas kadib si rasmi ah loo furi doono garmaqalka kiiska.

Odayaashan oo gaaray illaa 11 xubnood, ayaa waxaa xusid mudan in haddii kiiskan lagu helo ay mari doonaan wadada odayaashii dhaqan ee kal hore dowladda federaalka ay ku xukuntay xabsi gaaraya illaa 15 sano, kadib markii ay heshiis lasoo galeen Al-Shabaab.

Maamulka Jubbaland ayaa horey uga digay la-macaamilka Al-Shabaab, si gaar ah odayaasha dhaqanka, iyada oo markaas uu maamulka sheegay in ciddii aqbasha awaamiirta kooxda ama heshiis la soo gasha in loo aqoonsanayo inay iyaga lamid yihiin.

Hoos ka aqriso magacayada odayaashan;

  1. Cabdiqaadir Maxamed Macalin Ibraahim
  2. Ismaaciil Khaliif Ibraahim
  3. Shire Cismaan Maxamed
  4. Yuusuf Cabdullaahi Jaamac
  5. Cabdi Barre Maxamed
  6. Cumar Maxamuud Cilmi
  7. Cabdi Maxamed Xirsi
  8. Cabdullaahi Bile Siciid
  9. Axmed Maxamuud Xasan
  10. Salaad Cabdi Maxamuud
  11. Axmed Cabdi Keyd

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kal hore soo saartay xeer dambi ka dhigaya la-macaamilka Al-Shabaab, kaasi oo dhigaya in si lamid ah loola dagaalamo cid kasta oo la tacaamusha kooxda, oo xilligaan guluf ka dhan ah uu ka socda dalka.