Sawirro: Kadib xoreyntii Wabxo Xasan Sheekh oo isugu yeeray odayaal iyo siyaasiyiin

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta heerarka kala-duwan ee dowladda ku matala Galmudug.

Madaxweynaha ayaa dhinacyada uu la kulmay kala hadlay si loo dar dar gelin lahaa abaabulka howgalka ka billowday Galmudug ee dhammeystirka wejiga koowaad ee xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan-lahaaayeen, halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso Galmudug.

Xasan Sheekh ayaa odayaasha iyo siyaasiyiinta u cadeeyey inay ka go’antahay in dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan dhibaatooyinka nololeed, amni iyo horumar la’aan, isla markaana laga dulqaadi doono shacabka muddada dheer afduuban kooxda Al-Shabaab.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta kooxda Al-Shabaab laga xoreeyey deegaano badan oo Wabxo ay ku jirto, kuwaas oo hoos taga magaalada muhiimka ah ee Ceelbuur.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Caanood ayaa xaqiijiyey xoreynta Wabxo, isagoo sheegay in howlgalku uu si taxadar leh ku socdo.

Caanood ayaa sheegay inay saacadihii lasoo dhaafay isisoo dhiibeen maleeshiyaad badan, isagoo kuwa weli dagaalamaya ugu baaqay in naftooda aysan haligin oo ciidanka qaranka ay isku dhiibaan.

Sidoo kale Jeneraal Caanood ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay leeyihiin awood dhameystiran oo Al-Shabaab ay kaga xorey karaan deegaanada ku haray gacantooda, ciidanka qaranka ayuu sheegay inay heystaan diyaarado duqeymo ka fuli kara meel kasta.