Sawirro: Khamri lagu siday kunteennaro oo maanta lagu burburiyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu burburiyay kartooman qamri oo la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska Gobolka Banaadir.

Qamriga ayaa waxaa si wadajira burburintiisa uga qeybqaatay Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo kortoomada dulmariyay gaari.

Qamrigan ayaa laga soo saaray Kunteenar kaa oo lagu dhexqabtay Dekada weyn ee Magalada Muqdisho.

Khamrigaan ayaa gaarayay 905 kartoon,iyada oo isla maanta la burburiyay.

Kartoomada Goobta lagu burburiyay ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dhanka maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uga wakiil aheyd Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti Iyo Agaasimaha Caafimaadka Dowladda Hoose.

Waxaa si lamida qamri kale loogu burburiyay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kuwaa oo lagu waday Boorsooyin saarnaa diyaarad.