Sawirro: Kheyre oo socdaal qarsoodi ah ku tegay Russia

Moscow (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa safar aan la shaacin ku tegay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaasi oo uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda dalkaas Sergey Lavrov.

Kulankan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa soo shaac-baxay markii ay baraha bulshada ku shaacisay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka, waxaana kadib barihiisa bulshada ku xaqiijiyey Xasan Cali Kheyre.

Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan maanta kulan qado Sharaf ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergey Lavrov, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale xaaladda guud ee gobalka Geeska Afrika. Waxaan si qoto dheer isaga wareysannay isbaddallada Dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka ka socdo.”

Illaa iyo hadda ma cadda ujeedka safarka uu Kheyre ku tegay Ruushka, iyo waxa kusoo beegay xilligan oo olole doorasho dalka uu ka socdo, ayada oo Kheyre uu yahay musharax madaxweyne.

Waxaan sidoo kale caddeyn, haddii ay ogeyd wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, iyo sida dowladda Soomaaliya ku qarisay maadaama uu ka baxay garoonka Aadan Cadde, xilli Kheyre lagu xanto inuu weli si hoose uga tirsan yahay nabad iyo nolol, taasi oo ah shaki ay qabaan mucaaradka

Kheyre ayaa horey mar ula kulmay Lavrov intii uu dalka ra’iisul wasaare ka ahaa.

Loolanka doorashada Soomaaliya oo horey ay ugu lug lahaayeen dalal badan sidan Qatar, Itoobiya, Kenya, Turkey, Imaaraat iyo dalal kale, ayaa waxaa suurta-gal ah inuu Ruushkana kusoo biiray.