Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee DFS ayaa maanta oo Arbaco ah soo gabagabeysay dhageysiga dacwadii la xariirtay Dilkii Marxuum Wasiir Cabaas Cabdullaahi Siraaji.
Dilka Wasiirka ayaa waxaa loo heystaa Axmed C/llaahi Cabdi Ceydiid oo ah dable ka tirsan CX iyo Cusmaan Salaad Barre oo isna ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ilaalo u ahaa Hanta dhowrihii Guud ee Qaranka.
Dilka Wasiirka ayaa waxaa si gaara loogu heystaa inuu ka danbeeyay Axmed Cabdullaahi Cabdi Ceydiid, halka Cusmaan Salaad Barre lagu eedeeyay waajib gudasho la’aan oo ah arinta maxakamada dooda badan ka dhex dhalisay.
Maxkamadda oo socotay muddo ka badan seddex saacadood ayaa waxaa ku sugnaa Garsoorayaasha Maxkamadda, Xafiiska xeer ilaalinta ee Maxkamada ciidamada qalabka sida abuukaatayaal ilaa sideed gaarayay oo u doodayay eedeysanayaasha iyo sidoo kale eheleda labada dhinac iyo dad weyne kale oo daawanayay, maadaamaa maxkamaddu aheyd mid furan oo dadweynuhu ay ka qeyb geli karaan.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalbaka sida ayaa horey u dalbaday in xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ay keenaan cadeymo dheeraad ah oo la xiriira kiiska, waxa ayna Maxkamadda horkeeneen Muuqaalo lagu duubay ” CCTV”, Sawirro , qiraalo , qoraal cadaynaya inta uu soo maray kiiskan baaristiisa iyo heerarkii 1-aad iyo 2-aad ee dhageysiga dacwadda maanta la soo gaba-gabeeyay qeybteedii 3-aad.
Waxaa Maxkamada Cadeymo la xiriira kiiska horkeenay Saraakiil ka socoday hey’adaha baariska booliiska oo ka hor aqriyay garsoorka cadeymo ay la socdeen muuqaal iyo sawirro kuwaasi oo muujinayay kiiska dambiga ah sida uu u dhacay.
Sidoo kale, Kabtan Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka xafiiska xeer ilaalinta guud ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dacwadda loo heysto eedeysanaha koowaad ay tahay mid cad isla markaana ay ka xafiis ahaan u cadahay in xabadda ku dhacday isla markaana uu u geeriyooday Wasiirkii howlaha guud ay ka dhacday qoriga uu watay Dable Xoogga Axmed Cabdullaahi Cabdi Ceydiid oo uu dilka Wasiirka isaga ka dambeeyay, wuxuuna maxkamadda ka codsaday in laga laabto dacwada loo heysto eedeysanaha labaad.
Gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute ayaa ku dhawaaqay ugu dambeyn la soo gaba-gabeeyay kiiskan, garsoorkana aya ka soo saari doonaan xukunka kama dambeysta ah sida ugu dhaqsiyaha badan.
Dacwadda loo heysto labadan eedeysane oo heerar kala duwaan soo martay ayaa maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay, iyadoo go’aanka ugu dambeyana maxkamadda laga sugi doono.