27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Qatar oo wax lagu qoslo ku tilmaamatay hadal ay Sacuudiga ku qancineysay Mareykanka!

Bookmark
Bookmarked

Share

Dooxa (Caasimadda Online) – Xafiiska Warbaahinta wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar ayaa wax lagu qoslo oo lala yaabo ku tilmaamay hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowladda Sacuudiga markii wasiirkooda Arrimaha Dibadda uu kulan Washington kula qaatay xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Dowladda Sacuudiga ayaa tilmaamtay inaan Qatar la gelin go’doomin iyo cuna qabateyn isla markaasna kaliya ay Sacuudiga iyo xulafadeeda xiriirka u jareyn isla markaasna ay hawadooda iyo badooda u diideen.

Dowladda Qatar ayaa hahalkaas ku tilmaamtay wax lala yaabo, waxayna ku dhawaaqday in Dowladaha Sacuudiga iyo xulafadeeda ay xayiraad dhinac kasta ah saareen Qatar taasoo ay ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Qatar u dhashay iyo kuwa dhulkedaa ku nool, balse ay arrintaas dadaal dheer ku wajaheyn.

Waxay go’doominta la saaray ku tilmaamtay inay tahay mid laga leeyahay ujeedooyin siyasaadeed, iyagoo sheegay inay khilaafsan tahay xiriirka walaaltinimo. Qiyamka Islaamiga, midka bini’aadanimada, dhammaan Diimaha Samaawiga ah  iyo qanuunka dowliga ah.

Waxay dowladda Qatar sheegtay inaysan ku dayan dowladaha cadowtinimada u muujiyey iyadoo fiirineyso xiriirka walaaltinimo iyo midka islaamino ee ka dhaxeeyo dowladaha Khaliijka ee walaalaha ah, waxay wax jiro ku tilmaamtay inay jiraan shaqsiyaad Qatar u dhashay oo kamid ah ururada Argagixisada sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Mareykanka.

Go’doominta ay ku sameeyeen Qatar qaar ka tirsan Dowladaha Khaliijka ayaa saameyn ku yeelatay dowlado badan, waxaana jiro baaqyo Caalami ah oo lagu dalbanayo in go’doominta laga qaado Qatar.

- Advertisement -

Read more

Local News