Sawirro: Kulane Jiis iyo CC Shakuur oo maanta la siiyey shahaadada musharaxnimo

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maanta shahaadada musharaxnimo guddoon siiyey Cabdullaahi Aadan Kulane oo ka tirsan Hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka sidoo kalana kamid ah saraakiishii lagu eedeeyey dilka Ikraan Tahliil.

Cabdullaahi Kulane oo u sharaxan kursiga HOP#040 ayaa waxaa la tartamayo Xasan Cabdi Jaamac oo la rumeysan yahay inuu yahay musharax malxiis ah, ayada oo la filayo inuu Kulane si fudud ku qaato kursiga.

Sidoo kale, guddiga ayaa shahaadada musharaxnimada siiyey siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah musharixiinta sanadkaan u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan oo raadinayo Kursiga HOP#138 ayaa waxaa booskaas kula tartameysa Naciimo Xuseen Cali oo iyadana la rumeysan yahay inay tahay malxiis, ayada oo la filayo inuu Cabdiraxmaan si fudud ku qaato kursiga..

Dhanka kale, waxaa shahaadada musharaxnimada la siiyey Faarax Cabdi Diini oo kamid ah wasiirada Galmudug kaasoo u taagan Kursiga HOP#007.

Doorashada kuraastaan ayaa la filayaa inay Magaalada Dhuusamareeb ka dhacdo Maalinta Berri, waxaana lasii saadaalinayaa inay kusoo bixi doonaan:

1- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
2- Cabdullaahi Aadan Kulane
3- Faarax Cabdi Diini

Cabdullaahi Kulane oo u tartamaya kursi beeshiisa ee HOP#40 ayaa loo xiray kursiga, waxaana la hubaa inuu soo qaadanayo, halka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u tartamaya kursiga beeshiisa ee HOP#138 la isku dayayey in la hor-istaago, balse lagu fashilmay.

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa waday dadaal xooggan oo kursiga looga dhigayo mid loo qoondeeyo haween, si meesha looga saaro Cabdiraxmaan Cabdishakuur, balse waxaa hadda muuqata inuu qorshahaas fashilmay.