Cabdiweli Muudey oo lagu celiyay garoonka Muqdisho iyo cidda ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa goordhoweyd loo diiday in uu ka duulo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Muudey ayaa kusii jeeday magaalada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu tartamo kursiga uu ku fadhiyo ee sumadiisu tahay HOP#145.

Diyaarad ka qaadi laheyd guddoomiye ku-xigeenka 1-aad garoonka Muqdisho ayaa lagu amray inaysan ka bixi karin, waxaana lasoo warinaya in weli ku sugan yihiin Muudey iyo Ciidamo Ilaalo u ah qeybta VIP-da ee garoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tallabada looga hor istaagay Muudey in uu ka dhoofo Muqdisho uu ka dambeeyo La-Taliyaha Amnigaa Qaranka Fahad Yaasiin, oo lasoo warinayo in uu hunguriyeynayo booska uu ku fadhiyo Muudey ee Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka.

Kursiga uu ku fadhiyo Muudey ee HOP#145 ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray Maxamed-weli Cabdullaahi Sheekh oo reer Australia.

Fahad Yaasiin oo saaxiib dhow la ah Farmaajo, sidoo kale ay isku hayb yihiin Muudey ayaa waxa uu gacanta ku hayaa maamulka kursiga uu dhaafiyay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, si uusan culeys u wajahin rabitaanka Fahad.

Tan iyo markii ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ayaa waxa socday qorshe ujeedkiisu yahay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo saaro saraakiil ka tirsan NISA, si ay ku helaan xasaanad, kaasi oo uu qeyb ka yahay Fahad Yaasiin.

Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa horey xulafada Farmaajo iyo Fahad ugu guuleysteen inay u boobaan kursiga HOP#067, arrintaasi oo mar dhalisay xaalada hubanti la’aan ah.

Xulafada Farmaajo iyo Fahad ayaa isku-dey kasta u sameynay sidii ay u xaqiijin lahaayeen rabitaankooda ku aadan doorashada, gaar ahaan xildhibaanada loogu raadinayo xasaanad oo ugu horeeyo Fahad, oo asagu gadaal iska mariyay liiska xulafada.