Zwolle (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaalida Netherlands ee SFON ayaa magaalada Zwolle ee dalka Holland ku qabatay shirweyne looga hadlayay la-dagaallanka cunsuriyadda iyo nacaybka sii kordhaya ee loo qabo dadka soo-galootiga ah.
Kulankaas waxaa ka soo qeyb galay wakiillo ka socday Dowladda Hoose ee Zwolle, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, hay’adaha xuquuqul-insaanka, saraakiil matalayay booliska, iyo hay’adda ugu weyn ee ka hortagga cunsuriyadda, oo loo yaqaan Discriminatie.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray hannaan looga hortegi karo cunsuriyadda iyo nacaybka loo qabo qaxootiga iyo ajaaniibta, gaar ahaan dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya iyo qowmiyadaha kale. Muddooyinkii dambe waxaa dalka Holland ku soo badanayay xadgudubyo lagula kaco dadkaas.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida SFON, Abdiadir Ali Nuune, oo ugu horreyn u mahadceliyay ka soo qeyb-galayaashii shirka, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga hortago xadgudubyada lagula kaco dadka asal ahaan ka soo jeeda ajaaniibta, oo ay Soomaalidu ka mid tahay.
Guddoomiye Nuune ayaa sidoo kale sheegay in muddooyinkii dambe xubno ka tirsan Baarlamaanka Holland ay doodahooda ku saleeyaan nacaybka qaxootiga, taas oo uu sheegay inay dhiirrigelin u noqotay kooxaha naceybka faafiya, isla markaana ay ku dhiirradeen inay gubaan xeryaha qaxootiga.
Wuxuu ku tilmaamay arrintaas mid aan la aqbali karin, isagoo bulshada ku boorriyay inay ka feejignaadaan falalka noocaas ah. Hase yeeshee, wuxuu xusay in dadka Holland aan looga baran dhaqamada noocaas ah.
Sidoo kale, kulanka waxaa ka hadashay xubin sare oo ka socotay hay’adda la-dagaallanka cunsuriyadda ee Discriminatie. Waxay sharraxday sida ay u soo korortay cunsuriyaddu muddooyinkii dambe, iyo meelaha ugu badan ee lagu diiwaangeliyay, sida goobaha waxbarashada, shaqada iyo waddooyinka.
Waxay sidoo kale u mahadcelisay Jaaliyadda Soomaalida SFON, oo ay ku ammaantay diyaarinta munaasabaddan muhiimka ah.
Waxaa kaloo kulanka ka hadlay sarkaal ka socday booliska, kaas oo sheegay in cunsuriyaddu ay sharci ahaan ka mamnuuc tahay dalka, balse ay weli dhacaan falal la xiriira. Wuxuu sharraxay sida qofka la kulma cunsuriyad uu booliska ugu soo wargelin karo, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta jaaliyadda iyo booliska.
Kulanka ayaa si weyn loogu falanqeeyay saameynta ay cunsuriyaddu ku yeelato dadka qaxootiga ah, iyadoo si gaar ah loo soo hadal qaaday qaxootiga ka yimaada Afrika iyo Bariga Dhexe. Waxaa sidoo kale la isbarbar dhigay xaaladdooda iyo qaxootiga ka yimaada dalalka kale ee Yurub, sida Ukraine, kuwaas oo aan inta badan la kulmin heerka cunsuriyadda ay wajahaan dadka Afrikaanka ah iyo kuwa Bariga Dhexe ka soo jeeda.


