Sawirro: Kulanka Sidiku & odayaasha Minnesota

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Somalia islamarkaana ah madaxa sare ee AMISOM Maman Sidikou ayaa kulan muhiim ah la qaatay Odayaasha Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Mr Maman Sidikou ayaa Odayaasha Soomaaliyeed waxa uu kala hadlay sidii ay kaga qayb qaadan lahaayen dib u dhiska dalkooda, iyadoo Somalia ay dib ugu soo laabatay dhabaha horumarka dhowr sano kadib.

Sidikou ayaa Odayaasha faahfaahin dheer ka siiyay kaalinta Ciidamada AMISOM markii laga reebo Khaladaad yar yar oo dhaca, Amaanka dalka, Horumarka iyo Ganacsiga xiligaani ka socda Somalia.

Waxa uu ku wargaliyay in Somalia aysan cid u maqneyn kaliya ay u maqan yihiin dadkeeda, taasina looga gudbi karo in Qurba joogta ay wanaagooda iyo hantidooda dib ugula laabtan Somalia, si dalka uu u gaaro xasilooni.

Waxa uu beeniyay in Somalia ay ka jirto nabad la’aan waxa uuna soo qaatay tusaalooyin badan oo muujinkara amaanka dalka, iyada oo ay xusid mudan tahay in Somalia xiligaani ay ka amni badan tahay dalal farabadan oo dhaca qaarada Africa.

Odayaasha ayaa hadalka Sidikou kadib soo dhaweeyay guulaha ka socda dalka waxa ayna ballanqaaden in inta karaankooda ah ay ku bixin doonaan dalkooda islamarkaana aan looga turjumeynin baahiyaha ka taagan dalkooda.
1

2

3

4

5

6