Sawirro: Mid ka mid ah garoomada diyaaradaha Somalia oo loogu magac daray ciidanka Jabuuti!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markii ugu horeysay Dowladii Dhexe kadib Garoonka Diyaaradaha Magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ka caga dhigtay Diyaarad siday tiro rakaab ah oo ka duushay Magaalada Muqdisho.

Inta ay diyaarada ku sugneyd Garoonka ayaa waxaa garoonka gaaray Kontomeeyo shacab ah oo aad u xiiseynaayay in mar qura ay arkaan Garoonka Buulo-burte oo shaqa bilaabay Dhowr sano kadib.

Furitaanka Garoonka Buulo-burte ayaa waxaa gacan weyn ka geystay Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah kuwa AMISOM oo maalmo ka hor un ku dhawaaqay in Garoonka la howlgalin doono.

Garoonka Diyaaradaha Degmada Buulo-burte ayaa waxaa loogu magac-daray ‘’Garoonka Hiil walaal International Airport’’, waxaana garoonkaasi lagu cizeeyay Ciidamada Jabuuti ee sida baaxada weyn howlaha uga wada Gobolka Hiiraan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
h1

h2

h3

h4

h5