Soomaali qaaday tallaabo ka yaabisay Finland.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay Dowladda Finland dhawaan shaacisay in la hakiyey Codsiyadda Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Iraq ayaa waxay Koox Somalia iyo Iraqi ah ku dhaqaaqeen inay cuntadda ka soomaan.

Warbaahinta dalkaasi ayaa qortay in ay Koox Somalia iyo Iraqi ku nool Degmadda Lahti ee Koonfurta Finland bilaabeen cunto ka soomidda, iyagoo kaga soo horjeeda go’aanka lagu laalayo Codsiyadooda.

Warbaahinta Qaranka Finland ee Yke ayaa shaacisay in ay 359 Qaxooti Iraqi ah iyo ku-dhawaad 20 Somali ah ku sugan yihiin Xero ay Milliteriga Finland lahaayeen.

Ku-dhawaad 100 Qaxooti ayaa dhigay Dibadbax cabasho ay kaga soo horjeedaan Go’aanka ay Dowladda Finland ku hakisay in Magangelyo lagu siiyo Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Iraq

Nasir Al dulami, oo ka mid ah Qaxootiga ku dhaqaaqay Cunto-ka-soomida ayaa u sheegay Idaacadda Qaranka Finland ee Yle inay sii wadi doonaan cunto-ka-soomida, ilaa laga qaadanayo Go’aan sax ah oo ku aadan Codsiyadooda.

Maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay, Waaxda Socdaalka ee Finland ” Finnish Immigration Service” ayaa shaacisay in la joojiyey codsiyadda Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Iraq ku doonayaan in magangelyo lagu siiyo.

Go’aankaasi ayaa waxay micnihiisu tahay in ay suurtogal tahay in qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Iraq dib loogu soo celiyo dalalkooda hooyo.

Dhinaca kale, Ku-dhawaad 70 Magangelyo-doom ayaa waxay Dibadbax ka dhigeen Degmadda Oulu ee W/galbeed Finland, iyagoo ka cabanayo xaalladda cunto-xumidda iyo qaabilaad la’aanta.

Waaxda Socdaalka ee Finland ” Finnish Immigration Service” ayaa sheegtay in ay sanandkan oo keliya soo gaareen dalkaasi qaxooti tiradoodu dhan tahay 17,430, kuwaasi oo 10% yihiin Soomaali, halka 69% yihiin Iraqi.

Xigasho Yke

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com