Wararkii ugu danbeeyay ee xariga Weriyayaasha TV-ga Universal ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka ayaa Caawa xoog ku galay dhismaha Telefashinka Universal xaruntiisa Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ayaa damisay agabkii uu ku shaqeynaayay Telefashinka Universal, waxaana la soo warinayaa in halkaasi ay kala baxeen qaar kamid ah agabka.

Saraakiisha ayaa sidoo kale albaabada u xiray dhismaha xarunta, iyaga oo Howlwadeenada Universal ku wargaliyay inaysan furi karin dhismaha, cidii furtana ay muteysan doonto xabsi.

Xiritaanka xarunta Universal ee Magaalada Muqdisho ayaa daba socta xarig maanta ay Ciidamada Nabadsugida kula kaceen Agaasimaha Tv-ga Universal ee Bariga Africa C/llahi Xirsi Kulmiye iyo Cawil Dahir Salaad oo kamid ah Barnaamij soo saarayaasha Tv-ga.

Labada xubnood ee laga xiray Telefashinka Universal ayaa la dhigay Xabsi ku yaala Godka Jilacow kaasi oo ay maamusho Nabadsugida.

Xariga wariyaasha ayaa waxaa loo aaneynayaa barnaamijkii DOOD WADAAG ee sida tooska ah uga baxay Televisionka Universal maalintii Khamiista oo Bisha September aay ahayd 30, 2015. Halkan Ka Daawo Barnaamijka DOOD WADAAG.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com