Weriye Cawil Daahir Salaad oo xabsiga la dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhaw madaxtooyada dalka looga arrimiyo ayaa dhawaan waxa aay Caasimadda Online u xaqiijiyeen in Xabsiga Godka Jilicow loo taxaabay dhammaan shaqaalihii Universal TV oo horgjoog ka ahaa Wariye Cawil Daahir Salaad.

Xariga wariyaasha ayaa waxaa loo aaneynayaa barnaamijkii DOOD WADAAG ee sida tooska ah uga baxay Televisionka Universal maalintii Khamiista oo Bisha September aay ahayd 30, 2015. Halkan Ka Daawo Barnaamijka DOOD WADAAG

Caasimadda Online oo la xiriirta masuuliyiinta nabadsugidda gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay xariga Cawil Daahir Salaad iyo kaamiristihii Universal TV. Wariyaha Caasimada Online oo hadda ku sugan xarunta nabad sugidda ayaa ku daba jira xariga wariyayaasha.

Wixii dheeraad ah dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@Live.com