Dagaal xoogan oo ka socda duleedka Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in Dagaal xoogan uu iminka ka socdo duleedka magaalada Kismaayo xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo leysu adeegsanaayo hubka noocyadiisa culus ayaa waxa uu u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulka Jubbaland ee ka amarqaata Axmed Madoobe.

Dagaalka ayaa waxa uu hadda xoogiisa ka socdaa deegaanada Goobweyn iyo Sabca Asharaaf oo fariisin u ah Ciidamada Dowlada.

Waxaa la soo warinayaa in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, iyadoona uu dagaalka yimid kadib markii Maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe rasaas ku fureen Ciidamo ka tirsanaa Dowlada.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada oo magaciisa lagu sheegay Cabdirashiid Macalin Gaas ayaa sheegay in weerarka ay lahaayen Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ciidamada Dowladuna ay sidaa u muujiyeen iska difaacida.

Waxa uu sheegay in dagaalka uu socdo islamarkaana labada dhinac ay wadaagayaan hub culus balse xooga la saari doono sida lagu hakin lahaa dagaalka.

La soco wararkeena danbe wixii kusoo kordho dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com