Galaal oo banaanka soo dhigay sir badan oo ku saabsan FASHILKA haysta dowlada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Gen Maxamed Nuur Galaal oo gaaray degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud, ayaa ka hadlay shaqooyinka DF Somalia iyo damacii laga qabay in laga qeybgaliyo waxgaradka Soomaaliyeed.

Generaalka ayaa sheegay in DF Somalia ay ka gaabineyso howlihii laga doonaayay waxa uuna sheegay in ballanka uu ahaa in dadaalada lagu hormarinaayo aayaha dalka laga qeybgaliyo waayo araga balse ay ka caga jiiday.

Waxa uu sheegay in Dowladu ay howlaheeda kusoo koobtay safar iyo waxqabad la’aan taasina ay saameyn ba’an ku reebtay dalka.

Galaal ayaa tilmaamay in sababta ugu weyn uu dalka la hagaagi la’ yahay ay tahay talada dalka oo la diidan yahay in DF ay la wadaagto waaya araga.

‘’Waad la soctaan Muqdisho dhibaatada taal, Dowladu iyada ayaa howlaha isku soo koobtay dalkuna waxa uu ku jiraa xili taladiisa laga qeybgalin lahaa waaya araga iyo dadkii usoo joogay waxqabadkii Dowladihii hore ee dalka soo maray’’

‘’DF waxa ay garan la’ dahay meel marinta iyo xaqiijinta dowlad wanaaga, madaxa ayeey darbiyada la dhacayaan, cadowgii ayaana ka faa’ideysanaya, maalin walba qarax iyo wax la mid ah baa dhacaya”

Galaal waxa uu sidoo kale ka hor imaaday Barnaamijka Federaaliisimka, waxa uuna carabka ku dhuftay in gabi ahaan barnaamijkaasi uu isku bedelay mid lagu naas-nuujinaayo qabiilo gaar ah, islamarkaana uu ka socon la’ yahay dalka.

DF Somalia ayuu ugu baaqay inay kala saarto daacadnimada iyo carqaladeynta ay hoos ka maleegeyso, waxa uuna ku taliyay in arrimaha dalka la hoosgeeyo waaya araga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com