Fanaanad laga jeclaa Soomaaliya oo geeriyootay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia ku geeriyooday Fanaanadii da’da yareyd ee lagu magacaabi jiray Umu Axmed Nuur Umu Shariif.

Fanaanada ayaa ku geeriyootay Cisbitaalka Banaadir xili maalmahaani danbe ay ku sugneyd Magaalada.

Fanaanadda oo bilowgii toddobaadkan bandhig faneed ku qabatay Magaalada Jowhar, ayaa Talaadadii dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho, iyadoona wixii ka dambeeyay aheyd mid xanuunsan.

Umu-Shariif2Marxuumada ayaa ka hor intaysan dhiman dhakhaatiirtu waxay ka sheegeen Cudurka Malaariyada, waxayna ka tirsaneyd Fanaaniinta Hobolada Waabari.

Umu Shariif ayaa qaadday heeso badan oo ay ka mid yihiin kuwo wadani ah, waxaana ay ka mid ahayd fananiinta dhalinyarada ah ee shacabka aad u jeclaayeen.

Fanaaniinta ku dhow Marxuumada ayaa xaqiijiyay Geerideeda,waxaana hada socda qaban qaabada aaska Meydka Umu Shariif.

Ugu danbeyntii Bahda Fanaaniinta Muqdisho ayaa Tacsi u diray Ehalka Fanaanada geeriyootay oo si aad ah Soomaaliya looga yaqaanay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com