USA oo digniino culus kasoo saartay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka, ayaa muwaadiniinteeda kaga digtay inay u safraan dalka Somaliya, iyagoo la kulmi kara weeraro kaga yimaada dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda Federalka Somaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa u sheegtay dadka Mareykanka inaanay u socdaalin dalka Somaliya, bacdamaa ay dhibaato kaga imaan karto xoogaga huubeysan.

Bayaan ay soo saartay Wasaaraddu, ayaa lagu sheegay Somaliya inaanay weli ka jirin deganaansho buuxdo, sidaasi daraadeedna ay dadka Mareykanka waxyeelo kala kulmi karaan.

Sidoo kale waxaa Bayaanka lagu sheegay muwaadiniintu inaysan heli karin caawinaadda ay u baahan yihiin, haddii aanu Mareykanku safaarad rasmi ah oo shaqaysa ku lahayn Somaliya.

Digniintan, ayaa imanaysa, xilli Dowladda Mareykanka ay Arbacadii avid H. Kaeuper u magacawday arrimo fuliyaha Mareykanka ee dalka Somaliya.

Kaeuper, ayaa waxaa lagu wadaa inuu dardargeliyo arrimaha diblomaasiyadeed Mareykanka ee dalka Somaliya. Xukuumadda Washington waxay sheegtay inay dib u soo noollayn doonto xiriirkii xagga diblomaasiyadeed ee Somaliya la lahayd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com