Sawirro: Laba madaxaweyne maamul goboleed oo maanta soo gaaray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goordhoweyd soo gaaray magaalada Muqdisho, oo maalmaha soo socda uu ka furmayo shirka wada-tashiga Qaran ee looga arrinsanayo khilaafka doorashada.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde loogu soo dhaweeyay si ka duwan madaxdii hore u timid Muqdisho, iyadoo soo dhaweyntiisa ay safaf dhaadheer u galeen Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Axmed Madoobe ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad ee soo gaaray magaalada Muqdisho, ayada oo saaka barqanimadii uu caasimada soo gaaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Lafta Gareen oo isaguna qeyb ka ah madaxda ka qeyb galeysa shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka ee uu dhowaanm iclaamiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, si looga wada-tasho hannaanka doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa asagana waxaa saaka gudaha garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, sida wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan.

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in Caasimada ay soo gaaraan madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Puntland.

Sida muuqata dib u dhac ayaa ku yimid furitaanka shirkan, maadaama inta bada madax goboleedyada dalka ay ka maqan yihiin Muqdisho oo lagu ballamay inuu shirka dhaco.

Wararka qaar oo ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in shirka ay u badan tahay inuu furmo maalinta Sabtida ah, maadaama berri ay Jimco tahay.

Si kastaba, qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in shirkaan xal loogu helo doorashada.