Sawirro: Lacag kumanaan dollar ah oo lagu soo dhex qariyey gaari qaad u sidey Somaliland oo la qabtay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in caasimada Dowlad deegaanka Soomaalida lagu qabtay lacag lagu soo qariyey gaari xamuul ah oo qaad u siday Deegaanada Somaliland.

Lacagtan ayaa waxa qabtay Mas’uuliyiin katirsan kastamka heer federaal, Sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiisha waaxdaasi, lacagtan ayaa aheyd mid si sharci darro ah lagu dhoofinayey.

Lacagtan ayaa isugu jirtay dollar-ka Mareykanka, Riyaalka Sacuudiga iyo Dirhamka Isu tagga Imaaraadka, iyada oo wadar ahaan dollar-ka la qabtay uu gaarayey 182,247, halka Riyaalka Sacuudiga uu ahaa 235,375, Dirhamka Imaaraadkuna uu ahaa 110,920.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya inay gacanta ku hayaan Waaxda kastamku wadihii gaariga iyo ruux kale oo la socday.

Ilaa iyo hadda weli war rasmi ah kama ay soo saarin maamulada dowlad degaanka Soomalida iyo ka Somaliland-ba, lacagtan ay qabteen Waaxda kastamka federaalka itoobiya, inkasta oo ay Caasimada Online, isku dey inay wax ka weydiiso maamuladaas hadana uma suura-galin kadib markii ay kasoo jawaabi waayen.

Muddooyinkii udambeeyay dowladda Itoobiya ayaa la daaladhaceysa dhibaatooyin dhanka lacagaha ah xili suuqa madow ee lagu kala iibsado badeecadaha uu sare u kacay, xili ay dowladu kula jirto dagaal adag kula jirto.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com