Xog: Axmed Madoobe oo kulamo wadatashi ah la soo qaadanaya madaxda Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu maalin kahor gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kadib markii uu safar aan la shaacin kaga baxay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose.

Laba kamid ah Golaha Wasiirada ee Maamulka Jubbaland iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Jubbaland ayaa noo sheegay in Madaxweynaha uu Isniintii ka baxay Kismaayo waxa uuna gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ujeedada socdaalka Axmed Madoobe si rasmi ah looma oga balse waxaa jira warar sheegaya in uu kulamo la soo qaadan doono safaaradaha Yurub iyo madax katirsan Dowladda Kenya. Xubnaha uu lakulmi doono waxaa kamid ah Saraakiil katirsan Madaxtooyada Kenya iyo Odayaal ka soo jeeda Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Ilo wareedyo lagu Kalsoonyahay ayaa Caasiamda Online u sheegay in Axmed Madoobe iyo madax Kenya ay kawada hadli doonaan qodobo ay kamid ah tahay doorashada Jubbaland ee Sanadkaan 2019 iyo heshiiska Dowladda Soomaaliya ay la gashay Maamulka Axmed Madoobe oo aan wali dhaqan gelin.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in Kalsooni darro wayn uu ka qabo fulinta heshiiskii uu la galay Dowladda Soomaaliya waxaana xooga waxyaabaha uu ka shaki qabo ay yihiin arimaha doorashooyinka iyo Lacagtii ay Dowladda Gobaleedyada ka heli jireen Dowladda Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa raadinaya in uu wali sii hogaamiyo Maamulka Jubbaland, halka Kenya ay muhiim u tahay in Axmed Madoobe uu sii hogaamiyo Maamulka Jubbaland maadaama la sheegay in ay dano badan ku qabaan joogitaankiisa Kismaayo iyo Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com