Xog: Isgoysyada Muqdisho oo ciidamada booliska laga qaaday iyo sababta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in gebi ahaanba ciidamadii laga qaaday Isgoysyadii dhawaan la dhigay.

Isgoysyadii ay Ciidamada Booliska ka joogeyn Magaalada Muqdisho ayaa haawanayo kadib ku dhawaad 20 Maalin  oo ay ku sugnayeen halkaas, inkastoo meelaha qaar lagu arkayo balse uu qorshaha yahay in laga qaado

Waxaa u xirnaa inta badan jidadka Muqdisho, waxayna  taas keentay culeys farabadan oo dhanka shacabka ah sidoo kalana waxaa dhacay inta ay jidadka u xirnaayeen Rabshado ka dhashay darawalada Bajaajyada ee la dilay.

Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, ciidamadaan oo tiradooda gaarayo illaa kun Askari ayaa waxaa lagu xareeyey Xerada Iskuul Boolisiyo ee Magaalada Muqdisho.

Sida qorshaha yahay seddex maalin ee soo socoto ayaa Ciidamadaas loo qaadi doonaan dalka Jabuuti si loo soo siiyo tababar dhanka Booliska ah maadaama aysan markii hore helin tababar ku filan iyagoo kaliya soo qaatay Tababar ku siman 3 Bil, waana Ciidamadii lagu aasaasay Taliska Booliska ee uu hoggaamiyo Saadaq Joon.

Ciidamadaan ayaa Magaalada Muqdisho geliyey jah wareer amni iyo mid siyaasadeed, waxaana Magaalada ka dhacay dilal ay ciidamadaan geysteen iyo banaanbaxyo looga cabanayey.

Tallaabadaan ayaa ah mid lagu yareenayo culeyska Dowladda uga imaaday Ciidamadaan Shacabka ula dhaqmayey si aan waafaqsaneyn dhaqanka Ciidamada Booliska oo loogu talagalay inay badbaadiyeen dhiigga Shacabka.

Isgoyska qaar ayaa lagu arkayaa ciidamo yar oo lagu talagalay inay Baabuurta baaraan inta kuwa kale looga wareejinayo.

Wararkeena soo socdo ayaa  idinkula wadaagi doonaa Inshaa Allah qorshaha xigo oo ay Dowladda Soomaaliya ka damacsan tahay Amniga Muqdisho iyo Ciidamada la doonayo in lagu wareejiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com