Sawirro: Lafta-gareen, Kheyre, Gaas iyo Rooble oo gaaray Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo isugu jira madax iyo siyaasiyiin culus ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdiweli Cali Gaas ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid Deni, Madaxweyne ku-xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Golayaasha Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan bulshada magaalada Garoowe ayaa wafdiga madaxweyne Lafta-gareen uu hogaaminayey kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

Wafdigan maanta gaaray Garoowe ayaa qeyb ka ah masuuliyiinta ku casuuman caleemo saarka madaxweynaha mar labaad la doortay ee Saciid Deni oo maalinta berri ka dhacaya halkaasi.

Sidoo kale waxaa horey Garoowe u joogay madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe, madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo wafdi ka socda Jubbaland.

Caleemo saarka Deni ayaa sidoo kale waxaa ku casuuman madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, lamana oga illaa hadda inuu ka qeyb-gali doono caleemo saarka Saciid Deni oo uu khilaaf kala dhaxeeyo.

Si kastaba, Saciid Deni ayaa ku adkaaday doorashadii 8-dii bishaan ka dhacday Garoowe, taasi oo uu kaga adkaaday mucaaradkii ay is-hayeen, kuwaasi oo qaarkood ay dhawaan isku laab xaarteen Madaxtooyada Puntland.