Sawirro: Lafta Gareen oo la kulmay saraakiil ka socota AMISOM iyo Ingiriiska

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa qaabilay saraakiil ka socotay howl-galka AMISOM iyo Ingiriiska, kuwaas oo sidoo kale ka qeyb-galay shirka golaha amniga maamulkaasi oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah saraakiil ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga ee ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed.

Intii socday kulankan ayaa waxaa lagu soo qaaday xaaladaha ammaanka ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii sare loogu qaadi lahaa howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ammanka oo warbixin laga dhageystay ayaa xusay inay labo jibaareen inta lagu guda jiro bisha Ramadaan howl-gallada lagu sugayo amniga.

Dhankiisa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo madasha ka hadlay ayaa marka hore u mahad-celiyey saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda Ingiriiska, isaga oo ku booriyey sida ay u garab taagan yihiin ciidamada Soomaaliya oo dagaal kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Lafta Gareen ayaa sidoo kale ciidamada Soomaaliyeed ku amaanay, sida ay mar-weliba ugu heelan yihiin shacabkooda, si ay nabad-gelyo ugu naaloodaan.

Koonfur Galbeed oo ka kooban Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli magaalooyinka qaar go’doomin ku haya Al-Shabaab oo ku xoogaan gobolladaasi.