Koox hubeysan oo dil ka geystay degmada Afgooye

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo ay kooxo hubeysan ka geysteen degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Dilka oo xalay ka dhacay xaafadda Dhagaxtuur ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ah dadka deegaanka, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, AUN Axmed Maxamed Mayow (Karbaash), waxaana la toogtay isaga oo kusii jeeday hoyga uu ka dagan yahay degmada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Maxamed Mayow (Karbaash) oo la shaqeynayey maamulka degmada Afgooye, isla-markaana uu isku xiri jiray bulshada iyo maamulka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa dilka kadib tegay goobta, waxaana ay saameeyeen howl-gallo baaritaano ah, balse waxa natiijo ah oo ka soo baxay.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan Sh/ Hoose.