CC Shakuur oo shaaciyey 3 qodob oo ay kaga adkaan karaan muddo kororsiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadjir Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo hadal ka jeediyey shirweynihii Muqdisho lagu soo gabagabeeyey ee beelaha Hawiye ayaa sheegay in hadda ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan in dalkan lagu xukumo sharci darro.

“Anaga in sharci darro nala ku xukumo, dhibkeeda hadda ayaan iska qabaneynaa, si aan dhibweyn oo soo socda isaga badbaadino, taasina diinteena ayaa qabta,” ayuu yiri Cabdiraxman Cabdishakuur.

Siyaasigaan ayaa tilmaamay seddax qodob oo kala badbaadi kara mucaaradkooda iyo Farmaajo, isagoo sheegay in hadii aysan qodobadaas hir-gelin, aysan huri doonin inay Farmaajo is fara saaraan.

Cabdiraxman oo tirinaayey qodobadaas ayaa yiri, “Anaga iyo Farmaajo waan kala baaqaneynaa hadii ay I maqlaayaan dhinacyada aan la hadlaayo.

1- Ganacsatadeena waxaan leeyahay hadii aad canshuurta diidaan, anaga iyo Farmaajo waan kala baaqaneynaa, sababtoo ah shilin uu ku shaqeeyo ma helaayo, ileen aduunkii waa ka goosteen lacagtiiye, nin hoggaamiye kooxeed ah oo Villa Somalia dhex jooga oo adduunkii lacagta ka goostay, halkuu lacagta ka keenaa inuu dadka dhaco maahane?

2- Labada dowlad goboleed ee federaalka nagu metesha, oo yiraahda mudo kororsi ma ogolin, Farmaajo waa nakala badbaadi kartaa.

3- Ra’iisul wasaaraha oo yiraahda shaqadeyda ayaan heystaa, hadii intaas la waayo Farmaajo is huri meyno, sababtoo ah waxa uu rabaa inuu xoog nagu xukumo, taasna waxay u soorta geli weysay dad isaga ka awood badan.

Ugu dambeyntii Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa yiri, “Ninka mudo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ah waxaan leenahay fursadda maanta aad heysato waa tii ugu dambeysay, dadkan mar dambe shir isugu imaa maayaane, sidii ay isaga kaa qaban lahaayeen ayey isugu imaa doonaan.”

Hoos ka Daawo