Sawirro: Madaxda maamul goboleedyada dalka oo shir gaar ah xalay yeeshay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo xalay madaxda maamul goboleedyada dalka ay ku yeesheen gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ahaa ayaa ahaa kan rasmiga ee dowlad goboleedyada, isagoona ahaa miday albaabada u xiran yihiin.

Ilo ku dhow shirkaas ayaa Caasimada Online u sheegay in diirada lagu saaray xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo ay ka doodeen madaxda ku shirsan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani oo xalay saq-dhe la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulankaasi, wuxuuna tilmaamay in madaxda maamul goboleedyadu ay ka doodeen xaaladda dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah.

“Shirka Rasmiga ah ayaa ka furmay Magaalada Dhuusamareeb, 11-ka July madaxdu waxa uu u ahaa hadal jeedinta iyo soo bandhigista khudbadaha ku saabsan xaaladda dalka, waxa ay ka doodi doonaan madaxda xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan Doorashada iyo kala guurka” ayuu yri Afhayeenka Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland.

Si kastaba ha’ahaatee madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee dalka oo shalay jeediyey khudbado xasaasi ah ayaa waxay ka hadleen arrimaha doorashada ee 2020/21.