5 qof oo ku eedeysnaa kufsi ka dhacay Galmudug oo lagu riday xukuno kala duwan

Cadaado (Caasimadad Online) – Maxkamadda gobolka Galgaduud laanteeda Cadaado ayaa maanta riday xukun lama filaan ku noqday dad badan, kaasi oo lagu xukumay rag loo haystay inay kufsi wadareed u geysteen haweenay dumar ah.

Raggan oo tiradoodu dhameyd Afar Nin ayey maxkamadu Saddex kamid ah ku xukuntay 6-bilood oo xarig ah, maadama loo haystay inay ku lug lahaayeen kufsi ka dhacay deegaan hostaga degmada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxay Maxkamaddu kiiskaasi Lix bilood oo xarig ah ugu xukuntay haweenay dumar ah oo iyaduna ku eedeysneed inay soo maleegtay shirqoolka gabadha lagu kufsaday, sida ay sheegtay maxkamaddu.

Maxkamadda ayaa Cali Daahir Cali oo kamid ah Afarta Nin ku xukuntay jeedal, masaafurin iyo 44-dago oo meher ah sida uu ku dhawaaqay garsooraha maxkamada gobolka Galgaduud qaybteeda Cadaado, kadib markii uu Ninkaasi qirtay in uu xiriir kala dhaxeeyay gabadha.

Afarta eedeysane ee kale ayaa maanta iyaguna maxkamadda horteeda uga dhaartay inay ku lug leeyihiin kiiskaasi, kuwaasi oo lagu kala magacaabo: Cadceed Cabdullaahi Ciise, Ifraax Cabdi Maxamed, Liibaan Xuseen Axmed iyo Keyse Maxamuud Nuur.