Xog: Maxay DF u codsatay in dib loo dhigo shirkii wada-hadallada Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Shirkii lagu wada hadal siinayay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa mar kale dib u dhac uu ku yimid, iyadoo la filayay inuu shalay oo 11-ka bisha July aheyd dib loo billaabo.

Wararka laga helaayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in codsi ka yimid dowladda federaalka dartii uu u baaqday shirkaasi, waxayna codsatay in muddo toddobaad ah lagu kordhiyo balanta danbe.

Dowladda Jabuuti ayaa ku wargelisay maamulka Somaliland in uu shirka dib u dhac ku yimid, waxaana baaqday wafdigii Somaliland ugu qeybgali lahaa shirkaasi oo gelinkii danbe ee Sabtidii u qorsheysneyd inay u duulaan Jabuuti.

Lama oga sababta dowladda federaalka u codsatay in dib loo dhigo shirkaasi mudo todobaad ah, hase ahaatee waxaa dowladda xiligaan ku furan culeysyo siyaasadeed oo kaga imaanaya mucaaradka iyo madaxda maamulada gobolada oo ka mideysan in doorashada dalka ay ku dhacdo xiligii loogu talagalay.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa hore u kala saxiixday heshiis hordhac ah, inkasta oo uu u muuqday mid aan wax badan ka duwaneyn kuwii dowladihii hore, balse majiro ilaa hadda qodobo si rasmi ah uga fulay oo aan aheyn ‘isku socodka dadka’.